SUUGAANTII CABDI CALI WEYD!!!

Waa laga yaabaa in dadka qaarkii is waydiiyo maxaa ka dhexeeya Abwaan Cabdi Cali Weyd iyo magaalada Hargeysa. Ka sokow in uu ahaa Hargeysaawi ku dhashay, kuna godgalay magaalada Hargeysa, waxaa uu ahaa abwaan mufakar ah oo suugaan kal iyo korba cullan u hibeeyey oo  ku maamuusay  magaalada caanka ah ee Hargeysa. Abwaan ahaan Cabdi Cali Weyd Alle ha u naxariistee, waxa uu ahaa mid ka mid ah dhidibadii  u mudnnaa ee uu ku taagnaa masrixii somaliga ahaa ee badhtamihii qarnigii labaatanaad ka hana-qaaday guud ahaan dalkii somaliya la isku odhan jiray. Dhab ahaan waa mid ka mid ah hurmuudkii miiri jiray miida badaha maanso waagii suugaanta iyo masraxa somaligu caadaa marayey. Karti ahaan abwaan Cabdi Cali Weyd Rabbi naxariistii jano ha ka waraabiyee waxa uu ahaa, hal-abuure   hab-farsamo-suugaameed isaga  ugaar ah inta uu  u adeegsado  wax qabadkiisa suugaameed, dabeetanna  tii  oo hufan oo haadsan soo hordhiga bulshada. Taa waxaan marag uga dhigan karaa, wax-qabadkiisii suugaameed ee manta aduunka inagula nool. Tani waxa ay I gayeysiisay in aan ka mid noqdo dhalinyarta aan ifka ku soo gaadhin abwaanka   haddan kalgacayl iyo xiise aan la koobi Karin uqaaday  fanka iyo suugaanta xigmada iyo murtida xanjeeran ee  abwaan Cabdi Cali Weyd. Aniga oo aanay ahayn abaarta qormadaydani in aan kaga hadlo  shakhsiyadii iyo kartidii abwaanimo ee Cabdi Cali Weyd bal aynu wax yar ka soo qaadano wax-qabadkiisii suugaameed ee aaan duugoobin ee ilaa hada lagu xasuusto abwaanka; aan ugu horaysiiyo heestii  wacdaraha ka gaysatay silsiladii deelay ee DACAWAA CIR KU ONKODAY. Dhanka riwaayadaha aan ilaa hada la ilaawin waxaa ka mid ahaa; nin qasbaaya jacayl ma loo quudhi karaa , sodohdaa ku jeclaatay sidee looga baxaa, ilbax-dhaafnaye allow noosahal. Geesta heesaha tuman waxa uu ku lahaa heeso aanay badi bulshadu ka xiiso-goyn, kuna luuqeeyaan kuwo ka mid ah haldoorkii heesaaga somalidu;waxaan ka xusuustaa: –

<

p dir=”ltr”>
Ø   Allahayow haween daa; codkii  maxamed M. Cige  Busi

Ø   Timo haldhaalay; codkii Cabdinnuur Allaale

Ø   Baddu inay madodahay; codkii  Axmed C. Cigaal

Ø   Awrkii  cirka; codkii Khadra D. cige

Ø   Suul dhabaale ; Cabdiraxmaan Dheere iyo Sahra Axmed

Ø   Allahayow nafsaarleeya; Shamsa Cumar

Ø   Qadar dhacay; Sahra Axmed

Ø   Ma jidkii siraadbaa; Cabdiraxmaan Dheere iyo sahra axmed

Ø   Doonidii  jacaylka ; Maxamed Dheere iyo

Ø   Sida wagan gammaan; sahra axmed  iyo qaar kaloo badan.. badan .. badan  oo dhamaantood ba ah xul-suugaameed uu ka buuxo fan, dhaqan iyo waayo-aragnimo ba. Dabayaaqadii qarnigii tagay ee labaatanaad ayuu abwaanku alifay hees dhaxal-gal ah oo uu ku maamuusay magaalada Hargeysa. Heeskan haragysa waa heesaha dareenka galiya guud ahaan dadka Soomaalida, si gaar ahanna Hargeysaawiga laxaw iyo xiise hor leh ku abuura. Waxaa la yaab leh sida farshaxanimada leh ee uu abwaanku heeska u falkiyey ee uu ugu ereyo-dooray, islamarahaantaana uuga run sheegay magaalada Hargeysa oo ka mid ah magaalooyinka ugu caansan dhulka somalidu degto.waxaa xusid  mudan sida hal-aabuurnimada leh ee quruxdasan ee uu abwaanku u curiyey hooriska ama hal-qabsiga (chorus)heesta. Wuxuu yidhi isagoo tilmaamaya Hargeysa:-

Hoobaallayeey gabayga

Way ugu horaysaa

Dalka horumarkiisaad

Adna  ugu horaysaa

Bal hadda eeg xirfadda iyo waayo-aranimada qaniga ah ee uu abwaanku adeegsaday si uu inooga dhaadhiciyo fikirkii iyo falsafadii qafeed ee uu rabay in uu inoo sheego. Waa sadaro qurux fanneed iyo suugaameed  lagu majeeran karo. Hees guud ahaan waxaa loo qaybinkaraa  dhawr qaybood mid kastaa ba ka hadlayso arin u gaar ah sida halka ay dhul ahaan ku taalo,cimiladeedda, kaalinteeda magaalonimo iyo xalliibnaanteeda magaalo ahaan. Marka hore waxa uu abwaanku ibafur  ka dhiganayaa oo ku bilaabayaa heesta , tuducyo  si qurxoon u tilmaamaya  bugcada dhul ee uu ilahay ku abuuray magaalada Hargeysa, kadib waxa uu raacsanayaa sallaan iyo hambalyo,  waxaanu yidhi:

Halka aad ku taalliyo

Habkan uu illaahay

Buuraha  hareeraha

Kuugu soo hadheeyey

Hambalyiyo sallaan wacan

Anaa kuu hibeeyey,

Waa run Hargeysa inta badan waxaa hadheeya oo ku meersan buurha loo yaqaan silsilada goliska; kuwaas baan is idhi abwaanku iyagaabu sheegayey malaha. Haddana waxa uu meerisyo kale si xarago leh ugu xaqiijinnayaa in ay magaalada hargaysi  tahay magaalo aan lagu ogayn cimilooyinka diiqada galiya dadka , laguna majeerto hawo wacnnaan iyo raaxo ba, magaalooyinka qayrkeed na aanay kula tartami Karin dhinacaa, sawka leh;

Hanfi iyo kullayliyo

Wax naftaadu hiifto

Taan laga helleyneey

Tii hadhac qabawiyo

Hawada ba badnaydeey

Hoygii caafimaadkaay

Hodan iyo barwaaqiyo

Haqa-beelka  raaxada

Tii looga hadhayeey,

Sida bayd  kan oo kale mar kastoo  oo uu bayd ka mid ah heestu soo gabo –gaboobaba waxaa  galbinaya halhayskii (chorus) layaab lahaa ee heesta. Waa hooris soo dareen jiidaya oo soo sasabaya dhagaystaha heeskan. Aan ku sii socdo meerisyada kale ee heeska; fulle xantii ma moogee, sida qaalibka ah waxaa magaalada Hargeysa lagu suntaddaa  HOYGA FANKA IYO SUUGAANTA soomaalida. Arintaa ayuu  abwaan cabdi ku soo qaadanayaa baydadkan soo socda. Bal hada waxaad  hubsataa oo ka fakartaa awooda curinneed iyo kartida fanned ee abwaanku inoogu soo gudbinayodareenkaa. Waxa uu ka markhaati kacayaa in ay hargaysi  afka koriso, abwaanka iyo fannaanka u roontahay guudahaana fanka iyo dhaqanku ku bar baaro kuna taabo-galo.

Maskax haddalka curisiyo

Fanka hooyadeedeey

Hal-abuurka midhihiyo

Heesaaga koriyaay

Inta hoobal kuu kacay

Annaa kuu hibeeyey ,

Hargeysa ayuu abwaan Cabdi Cali Weyd alle ha u naxariistee  hadba dhinac ka daalacanayaaye , bal hadda markanna  ha eego dhanka bulshada. Waxa uu abwaanku mid ba mar wax ka odhanayaa si kooban oo xeel-dheeer  saddex goosan oo ka mid ah qaybaha bulshada ee magaalada Hargeysa sida dhalinyarada, hablaha iyo odayaasha magaalada, waxaanu yidhi  isaga oo ku horaynaya dhanka dhalinyarada Hargeysa:

Dhalinyaro  hareeriya

Hanshaarka suuqyada

Tii laga helaayaay,

Hablo jalaq-san iyo qaar

Ku hagoogta  quruxdaba,

Tii lagu hubsadayeey

Garta odayo hubiyoo,

Haasaawo ruuganna,

Hore tii u lahaydeey.

Xusuusnow markasta oo abwaanku inoo mariyo bayd ka mid ah heesta waxa uu ku sii billayaa quruxdiisa  hooriskii  macnahaguud ee heesta soo kobsanyay ee ahaa:

Hoobaalayeey gabyga

Way igu horaysaaa,

Dalka horumarkiisaad

Adna ugu horaysaa

Marka haddana waxaa uu abwaanku si xirfad-suugaameed leh  inoogu cadaynayaa sida Hargeysa looga haqablaayahay cunto iyo sida uu ugu soo xiiso magaalada Hargeysa qofka  mar ay hargaysi martido.

Xoolaha sidii haro,

Kugu soo hurmanaayoo,

Caanahaa hadh iyo subax ,

Qof waliba ka haagaa

Nin kuu hoyday laba jeer,

Ku hilmaami maayee

Qiyaastii  5km ayuu magaalada ka durugsanyahay gagada diyaaradaha ee Hargeysa ee hada loo yaqaan CIGAAL INTERNATIONAL  AIRPORT,sidoo kale jog aad u dheer ayuu  garoonku ka sareeyaa magaalada lafahaanteeda.  Jidka dheer ee taga madaarkana waxaa dadka reer hargaysi u yaqaanaan JIDKA SHANTA MAYLKA. Sida qaalibka ahna marka aad raacdid jidkan waxaad si guud oo dhamaystiran cidhif ka cidhif u arkaysaa magaalada Hargeysa, waana figta u mudan ee aad ka daawan karto magaalada Hargeysa si dhamaystiran inkastoo ay hada aad u balladhatay muuqaal ahaan hargaysi. Arintaa ayuu abwaan Cabdi Cali Weyd kaga hadlayaa tuducan, waxaanu yidhi:

Markaad hilinka dheeree ,

Shanta maylka haysanna ,

Hoobaansi wacanay

Xaruntii halbowlaha

Dhaqankana hirgalisaay

Bal hadda ka waran haddii nasiibku ku similahaa abwaan cabdi in uu maanta ka soo halacsado magaalada Hargeysa jidka shanta maylka ee uu soddon sano ka hor uu ka hadlayey muxuu arki lahaa; magaalo dhinacyada ka fiday oo dhisantay oo aad iyo aad uga muuqal wanaagsan tii uu yaqaanay buu arki lahaa. Ugu dabayntii bal hadda ila yar eeg meeriskan kooban ee uu abwaanku ku soo afmeerayo iyo xeel-dheerida ka muuqata:

Sida heego iyo roob

Ama waqal hilaacaa,

Laguu soo higsanayaa, Hargeysaay

Maanta oo laga joogo in ka badan nusqarni, waagii uu alle ha u naxariistee Cabdi Cali Weyd sidaa lahaa, magaalada hargaysi waa bar kulan lagu majeerto nabad galyo iyo furfurnaan ganacsi kuna  kulmeen dhamaan  qaybaha kala duwan ee dadka afka somaliga ku hadla , daka inta aan aragna aad ay ugu hanwayntahay. Alle ha u naxariistee, abwaan Cabdi Cali Weyd waa dhaxal maguuraan ah oo uu u hibeeyey magaalada taariikhga ah ee Hargeysa, fac na faca ka dabeeya uu ka dhaxlidoono. Dhinaca kalena waa abaal,xus  iyo xusuus ay magaalada hargaysi u hayn doonto abwaanka , jiilna jiilka ka dabeya u tabindoono. Abwaan Cabdi Cali Weyd na alle ha u naxariistee, waa abwaan mufakar ahaa oo ay qofnimadiisii iyo si-aragiisii ba ka dhex muuqdaan dhaxalkiisii suugaameed ee hodan ka ah, tabaruciisana shakhsiga ah na ku lahaa noolaynta hidaha, dhaqanka, suugaanta, afka iyo taariikhda dadka afka soomaliga ku hadlla . sidaas ayay taariikhdu ku xusi doontaa oo gaaxdiisii suugaameed loo durduuran doonnaa inta qof Somali ahi dunida dul yuururo. Fadlan haddii aad  abwaankanwax  taariikh ah aad ka hayso waaxaan  jeclaan lahaa in aan kula wadaago, waxaanad  igala soo xidhiidhaa kartaa  e-mail ka hoos ku qoran.

Mahadsanidin.

Leave a comment